Himilo – Boqolaal haad geel ah ayaa raqdooda la helay kaddib markii ay cuneen bakhtiga maroodi summeysan kaas oo ugaarsadayaal ay ku dileen dalka Botswana.
537 oo ah haad la yiraahdo geel-doox iyo laba gorgor oo naf baxay ayaa la helay sida laga soo xigtay saraakiisha maamula aagga duur-joogta ee dalka dhaca koonfurta Afrika.
Qoraal ay soo saartay dawladda waxay ku muujisay in si ula kac ah loo sameeyay tani oo halis iyo waxyeeelo ku ah deegaanka.
“Waxaan aaminsanahay in summoobiddan ay ka dhalatay wakhtiga seddex maroodi oo la dilay,” qoraalka ayaa sidaa lagu xusay.
Dawladda ayaa shacabka ku boorisaysa inay booliiska ama xafiiska duur-joogta ku soo war-geliyaan cidday falkan uga shakiyaan.
Bishii la soo dhaafay, Botswana waxay meelmarisay sharci ogolaanayay in la u gaarsado maroodiyada dalkaas oo lagu qiyaaso 130,000 kaddib cabasho timid.