Muqdisho – Borrusia Dortmund ayaa soo dhaweyn doonta kooxda ka timaada caasimadda Portugal ee Lisbon. In kasta oo gool iyo waxba lagu soo quusiyay markii ay booqatay Portugal, hadana waxay heysataa oo ay awood isku bidaysaa inay kusoo laaban karto gurigeeda marka caawa la isku arko.
Xaqiiqooyinka Kulanka:
Borussia Dortmund waxay tartankaan ka reebtay Benfica 1963/64 wareeggiisa hore; waana marka kaliya oo ay isku arkeen tartanka. Waxey lugtii hore ku lumiyeen 2-1, balse kulankii Jarmalka 5-0 ayay ku xasuuqeen.
Xaqiiqdii, Dortmund ayaa guuleysatay afar jeer oo ay gurigeeda ku soortay kooxaha Portugal muddadii European Cup ama Champions League. Waxayna ka dhalisay 11-gool iyada oo laga dhaliyay 2-gool oo qura.
Guul-darradii kusoo gaartay Lisbon waa middii ugu horreysay xilli ciyaareedkan ay kala kulanto tartanka – afar guul iyo laba barbardhac ayay horay u heysatay. Waana kulankii ugu horreeyay oo ay ku fashilanto inay gool dhaliso.
Dortmund ayaa lumisay 7-kulan, 9-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaartay wareegyada bug-baxda ee Tratanka.
Afartii gool ee ugu danbaysay oo ay Benfica ka dhaliso Champions League ayaa ahaa 2 gool oo rigoore ah; gool koorno ka yimaaday iyo gool laadka xorta ahaa.
Warbixinta Kulanka:
Kulanka: Dortmund vs Benfica
Tartanka: Champions League
Garoonka: Signal Iduna Park.
Saacadda: 10:45 Habeenimo.
Garsoore: Martin Atkinson (England)