Home / Cayaaro / Borussia Dortmund oo beddelka Jadon Sancho ka arkootay Chalsea

Borussia Dortmund oo beddelka Jadon Sancho ka arkootay Chalsea

Himilo FM –Borussia Dortmund ayaa kaga hor imaan doonta kooxda ay  ku xafiiltamaan Bundesliga ee Bayern Munich saxiixa ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Chelsea Callum Hudson-Odoi haddii ay waayaan Jadon Sancho xagaagan.

Sancho ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ku laabanayo Premier League kaddib xilli ciyaareed fiican oo uu ku qaatay Westfalenstadion, Manchester United ayaana la fahamsan yahay  inay si gaar ah u  xiiseynayso 18 jirkan reer England.

Dortmund ayaa lagu soo waramayaa inay dalab 100 Milyan oo ginni ah duldhigtay Sancho, waxaana Mirror ay sheegaysaa inay lacagtaas  badan ay u isticmaali doonaan saxiixa Hudson-Odoi si uu booskiisa ugu beddelo.

Mustaqbalka Hudson-Odoi ee Stamford Bridge ayaan weli la hubin iyadoo 18 jirkan uu xaalkiisa sii jahwareersan yahay maadaama uusan si joogta ah uga hoos ciyaarin Maurizio Sarri.

Xiddiga da’da yar ayaa ku guuleystay in loogu yeero xulka England inkastoo uusan waligiis ku bilaaban kulan Premier League ah Chelsea, qaab ciyaareedkiisa Europa League iyo koobabka  kale ayuu ku shaafiyay Gareth Southgate.

Chelsea ayaa iska diiday dalabyo dhowr ah oo ay ku doonayeen Hudson-Odoi Bayern Munich intii lagu jiray suuqa kala iibsiga bishii Janaayo, waxay iska diideen codsi ka yimid ciyaaryahanka, laakiin waxay doonayaan inay dib u soo cusbooneysiiyaan xagaaga.

Weeraryahanka ayaa la fahamsan yahay inuu ku faraxsan yahay horumarka uu saaxiibkiis Sancho uu ka sameeyay Dortmund islamarkaana uu u furan yahay inuu raaco wadadaas.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan