Home / Cayaaro / Borussia Dortmund oo kula biirtay Man United tartanka loogu jiro Dries Mertens

Borussia Dortmund oo kula biirtay Man United tartanka loogu jiro Dries Mertens

Himilo- Weeraryahanka kooxda Napoli Dries Mertens ayaa bartilmaameed u ah kooxda Borussia Dortmund.

Iyada oo ay ugu wacan tahay qandaraaska xiddiga heerka caalami ee dalka Belguim oo dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, Manchester United ayaa la sheegayaa inay isha ku heyso saxiixa 32 jirka in ay si xor ah ugu dhaqaaqo.

Sida laga soo xigtay Calciomercato, Dortmund ayaa diyaar u ah inay isku dayaan inay hubiyaan heshiis ay kula soo wareegayaan xiddiga mudada dheer u ciyaarayay kooxda Napoli bisha Janaayo.

Ka dib markii la sheegay in Mertens uu iska diiday dalabkii cusbaa ee kooxda uu haatan ku suganyahay, Dortmund ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay dalab 8.5 milyan ginni ah ka gudbiso.

Iyadoo Napoli ay haatan si fiican ugu fadhido afarta ugu sareysa horyaalka Serie A, madaxweynaha Aurelio De Laurentiis ayaa laga yaabaa inuu qiimeeyo bal inuu lacag ku helo mid ka mid ah ragga muhiimka ah ee Gennaro Gattuso inuu u qalmo halista marxaladda ololahan.

Mertens wuxuu gacan ka gaystey sagaal gool iyo sedex caawinaad ah xagaagan Horyaalka Talyaaniga iyo Champions League.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan