Home / Habka-Nolosha / Borussia Dortmund oo kusoo biirtay loolanka loogu jiro Emre Can

Borussia Dortmund oo kusoo biirtay loolanka loogu jiro Emre Can

Muqdisho – Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Liverpool, Emre Can ayaa la warinayaa inuu xiiso ka helayo kooxda ka dhisan horyaalka waddanka Jarmalka  ee Borussia Dortmund.

Can ayaa loo arkaa mid kamid ah kuwa heerka fiican ee Jurgen Klopp oo hadda ku sugan Anfield. Laakiin xiddigan heerka caalami ee reer Jarmal ayaa heshiiska uu hadda kula joogo Reds waxaa ka dhiman in ka yar hal sano.

Juventus iyo Bayern Munich ayaa horay loola xariirinayey 23-jirkan, halka  Can uu isagu qorsheynayey  in uu u dhaqaao  Manchester City, laakiin waxaa muuqata in koox kale ay kusoo biirtay loolanka loogu jiro laacibkan.

Sida ay warineso Mirror, Dortmund ayaa diyaar u ah in ay xiddigan dib ugu soo celiso horyaalka  Bundesliga, maadaama uu horay ugu soo ciyaaray Bayer Leverkusen.

Haddii uusan  Can u saxiixin heshiis cusub kooxdiisa Liverpool inta lagu guda-jiro  2017, wada hadallada way la bilaabin karaan kooxaha ajnabiga ah marka uu bilowdo sanadka soo aadan.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan