Home / Habka-Nolosha / Brazil: 500 Milyan oo Shinni ah oo ku naf baxday muddo 3 billood ah

Brazil: 500 Milyan oo Shinni ah oo ku naf baxday muddo 3 billood ah

Himilo – Warbixin ka soo baxday hay’adda cuntada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in nus bilyan Shinni ah inay ku naf baxeen Brazil muddo seddex billood gudaheed ah.

Sababta ayaa loo tiirinayaa sunta lagu buufiyo xasharaadka sida lagu xusay warbixinta hay’adda QM ee FAO.

Shabakadda CBS News ee Mareykaka ayaa qortay in ku dhawaad 500 milyan oo Shinni ah inay ku naf baxeen Brazil taasi oo dhalinaysa su’aalo ku saabsan mustaqbalka cuntada.

Dhimasho wadareedka Shinnida ayaa laga soo wariyay afar gobal oo katirsan Brazil oo la aaminsan yahay in si weyn looga isticmaalo sunta lagula dagaalamo xasharaadka.

Ku dhawaad 400 Milyan oo shinni ah ayaa keliya ku naf baxay gobalka Rio Grand Do Sol ee katirsan dalka ugu weyn qaaradda Latin America ee Brazil.

Shinnida ayaa saameyn wanaagsan ku leh korriimada dhirta kala duwan, waxayna tani ka dhigan tahay in baahi badan loo qabo ilaalinteeda si loo damaanad qaado badqabka cuntada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan