Home / Cayaaro / Bruno Fernandes oo si weyn u xiiseynaya in uu ku biiro Man United

Bruno Fernandes oo si weyn u xiiseynaya in uu ku biiro Man United

Himilo – Khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramayaa in uu xiiso weyn u qabo in uu ku biiro Manchester United suuq furanka bishan.

Ciyaaryahanka 25 jirka ah ayaa si weyn loola xiriirinayay in uu u dhaqaaqi karo kooxaha Man United iyo Tottenham iyadoo warbixinno dhawaan soo baxay muujiyeen in kooxda Ole Gunnar Solskjaer ay wadahadalo la furtay dhiggeeda Portugal.

Waxaa la rumeysan yahay in Lisbon diyaar u tahay inay iibiso laacibkooda qaaliga ah sabab ku qotonta culeysyo xagga dhaqaalaha oo ay wajaheyso.

O Jogo ayaa soo warinaya in ciyaaryahanka uu qudhiisa daneynayo in uu u wareego England iyadoo Man United noqotay dooqiisa koowaad ee uu xiiseynayo.

Ciyaaryahanka qaranka Portugal ayaa dhaliyay 6 gool 14 kulan oo uu ka soo muuqday safka kooxda Sporting Lisbon xagaagan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan