Himilo – Ku dhawaad 280 baaskiil ayaa lagu xaday caasimadda Romania ee Bucharest tan iyo billowgii sannadkan sida lagu sheegay tirakoob cusub.
Mareegta Romania Insider ayaa qortay in booliiska uu dib u soo celiyay 36 baaskiil oo kamid ah kuwa laga xaday milkiilayaashooda.
Booliiska caasimadda Bucharest ayaa sheegay in 989 baaskiil in lagu xaday gudaha magaalada sannadkii 2018 balse booliiska ayaa dib u helay 174 kamid ah.
Dadka magaalada deggan gaar ahaan kuwa adeegsada baaskiilada ayaa lagu booriyay inay qaataan baaskiilada leh dukumentiyada saxda ah iyaga oo looga digay in baaskiilada ascaarta jaban yihiin kuwa u nugul xatooyada.