Home / Habka-Nolosha / Buffon: “Leicester majecli inaan ku kulanno tartanka Champion League-ga”

Buffon: “Leicester majecli inaan ku kulanno tartanka Champion League-ga”

Muqdisho – Goolhayaha Juventus, Gianluigi Buffon ayaa kooxda Leicester City ku sheegay tan kaliya uu jecel yahay inuu ka fogaado la kulankeeda kadib markii kooxda heysta horyaalka PL England ay daaqadda kala baxday kooxda reer Spain ee Sevilla.

Kooxda Dawacooyinka ayaa 2-0 garoonkeeda King Power Stadium ku suldaartay Sevilla – saameynta ay ku yeelaneyso bandhiga ciyaaraha UCL-gana waxaa caddeeyey Buffon.

Juventus ayaa iyaduna celcelis dhan 3-0 goolal ah kaga soo adkaatay dhiggeeda FC Porto.

Tiiyoo kooxaha isugu soo haray wareegga ay kamid yihiin Barcelona, Bayern Munich iyo Real Madrid, Buffon ayaa Leicester ku tilmaamay kooxda ula qatarsan loolamayaasha tartanka.

Wuxuu Premium Sport u sheegay: “Kooxda kaliya oo aan jeclaan lahaa inaan ka fogaado waa Leicester.”

“Waxay leeyihiin qiiro sarreysa. Wayna yaqaannaan sida loo wax-yeelo koox sida Juventus u weyn,” ayuu sii raaciyay.

“Wax kasta ayaan ku lumin karnaa xaggeeda.”

Shaxda isku aadinta kooxaha iskugu soo haray tartanka ayaa Jimcaha lagu dhawaaqi doonaa – iyada oo kulamadana ay dhici doonaan bartamaha April.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan