Home / Habka-Nolosha / Buffon oo kuwa neceb Juventus ka faanaya.

Buffon oo kuwa neceb Juventus ka faanaya.

Muqdisho – Gianluigi Buffon ayaa iska xooray taageerayaasha Talyaani ee aan Juventus u sacabo tumin finaalihii Champion League.

Taageerayaasha Seria A ayaa kala qeybsamay markii Marwad Duqda ah 4-1 looga adkaaday finaalka UCL. Hayeeshe goolhayaha ayaa sheegay inuusan sameyn lahayn wixii ay sameeyeen oo kale.

“Waxaan ku faanayaa inaan iyaga oo kale ahayn,” ayuu u sheegay Rai Sport. “Kubadda cagtu waa guulayso ama guuldarrayso. Wax weyn ayaad ka barataa.”

“Waxaa sharaf ii ah inaan waxba la wadaagin kuwo guul-darradeenna ugu dabaal-degay Cardiff.”

 

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan