Buffon oo wixii xalay ku dhacay aan u heli karin sharraxaad.

Muqdisho – Goolhayaha Juventus, Gianluigi Buffon ayaa awoodi waayay inuu sharraxo sababtii fashilkii ku yimid kooxdiisa kadib markii ay 4-1 kula hor kufeen kooxda Real Madrid – finaalka koobka Champion League.

Naadiga quwadda ku heysata horyaalnimada Talyaaniga ee Seri A ayaa qeybtii hore ee ciyaarta 1-1 kula barbar-dhacday Real Madrid. Waxayna muujiyeen bandhig isku dheelli-tiran oo ay kubadda kula qeybsadeen dhiggooda inta aysan wax walba is badalin qeybtii danbe ee ciyaarta.

Marco Asensio, Casemiro iyo Cristiano Ronaldo oo goolkii hore koobaad ku hubsaday shabaqa Juve ayaa saddexdii gool ee danbe sida saraaxa leh ugu dhameystiray.

Tani waxay taariikh ahaan jab ku noqotay halyey Buffon oo sanadihii 2003 iyo 2015 finaalka tartankan ku guul-darreystay inuu kooxdiisa la qaado. Xalayna waxay aheyd habeen kale oo u qaraar.

“Aad baan u niyad-jabnay,” ayaa laga soo xigtay Buffon isaga oo u sheegaya UEFA.com.

“Waxaan u ciyaarnay si fiican qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana filaynay inaan heysanno awood nagu filan oo aan ku guuleysan karno.”

“Masharrixi karo sida aan qeybtii danbe u dheelnay. Real Madrid way u qalantay inay guuleysato.”

“Waxay muujiyeen firfircoonidii iyo halgankii loo baahnaa inay guuleystaan.”

 

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan