Home / Cayaaro / Bukayo Saka oo ka soo muuqday liiska Arsenal ee ka hortagaya Cheese.

Bukayo Saka oo ka soo muuqday liiska Arsenal ee ka hortagaya Cheese.

Himilo-Mikel Arteta ayaa rajaynaya in uu sii wadan doono guulaha xilli-ciyaareedkan oo ay kooxdiisu hoggaanka Premier League si buuxda ula wareegi doonto maanta marka ay garoonka Stamford Bridge ku booqdaan Chelsea, laakiin waxa qorshihiisa kala dhantaalaya saddexda ciyaartoy ee Bukayo Saka, William Saliba iyo Leandro Trossard.

Arteta ayaa la tashan doona dhakhaatiirta oo uu xogtooda go’aan kaga gaari do ono inuu ciyaarsiiyo Saka iyo Saliba, sababtoo ah Jimcihii ayuu sii sheegay in ciyaartoydan aanu hubin in ay taam buuxa noqonayaan, balse waxa uu kusoo daray liiska xiddigihiisa ciyaarta Chelsea ee maanta.

Gunners oo aanu qorshaha ugu jirin Jurrien Timber oo ilaa sannadka dambe maqnaan doona, waxa Mikel Arteta uu ka hadlay Bukayo Saka, waxaanu yidhi: “Waa hubaal in uu doonayo inuu ciyaaro kulanka Chelsea, laakiin anigu ma doonayo in aan khatar geliyo.

Saka oo kusoo bilowday 83 ciyaarood oo Premier League ah oo xidhiidh ah ka hor intii aanu dhaawac ku seegin ciyaartii Manchester City ay guusha ka gaareen, ayaa waxa hadda lagu soo daray liiska ciyaartoyda maanta.

Waxa kale oo liiska ciyaartoyda Arsenal lagu soo daray William Saliba oo kasoo kabtay dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Manchester City oo sababtay in laga saaro liiska xulka qaranka France ee kulamadii caalamiga ahaa ee bishan.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan