Home / Macluumaad / Bulgaria oo laga mamnuucay Niqaabka.

Bulgaria oo laga mamnuucay Niqaabka.

Baarlamaanka Bulgaria ayaa haweenka dalkaas ka mamnuucay niqaabka ay ku dhex sitaan  goobaha dadweynaha.

67457bb7df17a698cc78a351994ec0486bd6b10c

http://radiohimilo.so

Xizbiga garabka midig iyo jabhadda qaran ee magaceeda loo soo gaabiyo NF ayaa kala qeyb qaatay xukuumadda wadaaga ah in sharcigaas oo qabyo ahaa la hor geeyo baarlamaanka si loo meel mariyo.

Sharcigaan ayaa waxa uu mamnuucayaa niqaabka ay furan yihiin indhaha iyo indha xirka isku dayska ah ee laga isticmaalo inta badan dalalka Afgaanistaan iyo Bakistaan.

Dalka Bulgaria ayaana xijaabka loo tix gilin dhaqanka haweenka muslimka ah maadaama Muslimiinta oo idil wadankaa ka yihiin 10% shacabka Bulgaria oo wadar ahaan dhan 7 Milyan oo ruux.

ku dhawaad labaatameeyo haween ah kaliya ayaaba dalkaas ka xirta niqaabka sida warbixinta ay tilmaameyso, waxa ay iyana ka soojeedaan dadka laga tira badan yahay ee deegaansada Magaalada Pazartegk ee koofurta Bulgaria.

Dawladaha Faransiiska iyo Biljimka ayaa horey uga mamnuucay goobaha ay dadki isugu yimaadaan niqaabka iyagoo dul dhigay cidii jabisaa sharcigaas ganaaxyo.

Maxkamadda xuquuqda aadanaha ee Midawga Yurub ayaa kal hore iyana dood gilisay iyadoo gunaanadkii taageertay go’aankaas looga mamnuucayo goobaha dadweynaha indha xirka.

Waxa ayna xilligaas ay Maxkamadu cuskatay in niqaabka sidiisaba uusan ka qeyb qaadan karin is dhex galka bulshada.

Maxamed Sayid dandaawi oo geeriyooday islamarkaana ahaa Sheekhul Jaamicul Azhar ayaa 2009 soo saaray ga’aan looga mamnuucayo ardayda jaamacadda Al azhar niqaabka waqtiga duruusta ay socoto.

Waxa uuna soo daliilsaday xiligaas Aayado ka mid ah Qur’aanka isagoo ku sheegay in niqaabka uusan ahayn waajib islaamiya hayeeshee taas badelkeeda uu yahay dhaqan bulsho.

Go’aanka Jaamacadda Al azhar ayaa xiligaas lagu sheegay in aysan hablaha xiran karin niqaabka xataa xisadaha waxbarasho ee gaarka u ah haweenka, sidoo kalane waxa uu saameeyay dhammaan dhismooyinka waxbarasho ee hoos yimaada Jaamacadda.

W/T: Ismaaciil Maxamed Samatar

Zeema200@Gmail.com

Xigasho: ttp://www.bbc.com/arabic/worldnews

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan