Home / Habka-Nolosha / Burnley oo xaqiijisay in ay lasoo wareegtay Georges-Kevin Nkoudou.

Burnley oo xaqiijisay in ay lasoo wareegtay Georges-Kevin Nkoudou.

Muqdisho – Burnley ayaa xaqiijisay in ay si amah ah kala soo saxiixatay Tottenham Hotspur ciyaaryahanka Georges-Kevin Nkoudou.

22 jirkaan ayaa ka soo wareegay Wembley isagoo usoo guuray Turf Moor, halkaas oo uu sii ahaan doono illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Nkoudou, oo lix kulan u saftay Spurs xilli ciyaareedkaan, ayaa hal jeer ka soo ciyaaray Premier League iyadoo Mauricio Pochettino uu laacibkan ciyaarsiiyay kulankii ay ka adkaadeen Bournemouth.

Xiddigan garabka ka ciyaara ayaa la kulmi doona tababaraha Clarets ee Sean Dyche, oo kooxdiisu ay ku jirto kaalinta todobaad ee horyaalka Premier League.

W/Q: Abdi Aziz Adan Urur

Cabdicaziiz149@gmail.com

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan