Buug la xaday 40 sano ka hor oo dib loogu celiyay dukaankii, iyadoo raalli-gelin iyo $100 lagu lifaaqay

Himilo – Dukaan buugaagta lagu iibiyo oo ku yaalla California ayaa dhawaan helay xirmo ay ku jireen buug la xaday 40 sano ka hor, qoraal raalli-gelin ah iyo $100.

Dukaanka Booklegger ee magaalada Old Town Eureka ayaa sheegay in shaqaaluhu markii ay fureen xirmada ay ka heleen buugga The Unstrung Harp ee uu qoray Edward Gorey. Qoraalka ku lifaaqnaa ayaa sheegay in buugga laga xaday dukaanka ku dhowaad 40 sano ka hor.

Qoraaga ayaa sheegay inuu xilligaas ahaa arday dhigta HSU, isla markaana uu la tacaalayay dhibaato daran oo la xiriirta mukhaadaraad iyo khamri, taasoo ku qasabtay inuu lacag raadiyo. Wuxuu sheegay in markii dambe uu noloshiisa ka sameeyay isbeddel weyn.

Qoraagu wuxuu sheegay inuu buugga dhowaan ka helay sanduuq ku jiray garaashkiisa, ayna farxad gelisay inuu ogaado in dukaanku weli shaqaynayo, si uu buugga ugu celiyo ugana raalli-geliyo falkiii ka dhacay.

Wuxuu raalli-gelinta ku daray $100, isagoo dukaanka ka codsaday inuu la soo xiriiro haddii uu jiro wax kale oo uu samayn karo si uu khaladkiisa u saxo.

Milkiilaha dukaanka, Jennifer McFadden, ayaa sheegtay in iyada iyo shaqaalaheeda ay aad u taabatay tallaabadaas, iyadoo xustay in qofkaasi, inkastoo ay 40 sano ka soo wareegtay ay cajiib tahay inuu weli doonayay inuu saxo khalad uu galay oo uu ka qoomameeyay.

error: Copy lama Ogola Fadlan