Home / Caruurta / Caano nuuggii ugu miisaanka yaraa caalamka oo laga saaray isbitaal

Caano nuuggii ugu miisaanka yaraa caalamka oo laga saaray isbitaal

Himilo FM –Caano nuug wiil ah oo ku dhashay culeys dhan 268 garaam ayaa laga saaray isbitaal ku yaalla jabaan, waxaana la aaminsan yahay inuu yahay cunuggii ugu miisaanka yaraa caalamka oo dhan.

Waxaa loo dhaliyay wiilka habka deg degga ah ee C-section bishii August isaga oo aad u yar iyadoo la geliyay qeybta daryeelka xooggan oo laga saaray toddobaadkii hore.

Waxa uu sameeyay cunugga koriimo isaga oo culeyskiisu noqday 3.2 kg, waxaa hadda loo quudiyaa si caadi ah. Waxa uu ku dhashay 24 toddobaad caano nuugga yar oo ku jiray isbitaal muddo shan billood ah.

“ Waxaan dhihi karaa keliya inaan ku faraxsanahay inuu koray, markaan si daacad ah u hadlo, ma fileyn inuu badbaadayo,” ayay tiri hooyada dhashay cunugga.

Takeshi Arimitsu oo ah dhaqtarka daweeyay cunugga ayaa u sheegay warbaahinta in cunugga noqday kii ugu miisaanka yaraa ee ebid laga saaro isbitaalka.

Waxa uu intaa raaciyay inay markasta jirto suurtagalnimada in carruurta laga saari karo isbitaalka  iyagoo caafimaad qaba xataa markay dhashaan iyagoo yaryar.

Cunugga ugu culeyska yaraa adduunka waxaa goor sii horreysay loo diiwaan geliyay mid ku dhashay Jarmalka oo miisaankiisu noqday 274 garaam hase ahaatee waxay u muuqataa in hadda kaalintaasi lagala wareegay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan