Himilo FM – Nin u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka go’ay miisaan dhan 100 kg sabab ku qotonta cabsi uu ka qaaday sheekooyin ku saabsan dad u dhintay buurnaanta xad dhaafka ah.
Craig Mody oo ka soo jeeda magaalada Blackburn ayaa waayay miisaan ku dhaw 100 kg, waxaana sababtan loo celinayaa cabsida xooggan ee uu ka qaaday dhimashada.
Mody oo 42 jir ah ayaa miisaankiisa waxa uu ahaa 209 kg markii uu jiray da’da 41 sanno isaga oo yiri “waxaan ku tiirsanaa cuntadeyda maalin kasta.”
Waxa uu intaa sii raaciyay “cuntadeyda waxaan ka heli jiray 8000 oo Colories ah.”
Mr Craig ayaa gartay khatarta hab nololeedkiisa markii loo qaaday isbitaal sabab la xiriirta xaaladiisa caafimaad oo liidatay.
Dhaqaatiirta ayaa u sheegay khatarta buurnaanta darran iyaga oo u soo qaatay tusaalooyin bukaano ka miisaan yar oo dhintay laakiin waxay u raaciyeen tallaabooyinka uu qaadi karo.
Hadalka dhaqaatiirta ayaa saameyn weyn ku reebay Craig isaga oo garowsaday in uu xaaladan u dhiman karo. Cabsida uu ka qaaday ayaa noqotay midda ka go’say miisaanka culus.