Himilo-Xamas ayaa Khamiista ayaa ku dhawaaqday in ay sii dayn doonto saddex qof oo Israa’iili ah sida qorshuhu ahaa, taasoo xal u horseedi karta muran weyn oo hareeyay xabbad-joojinta ka jirta Marinka Gaza.
Xamas ayaa hore ugu hanjabtay in ay dib u dhigi doonto sii daynta maxaabiista, iyada oo ku eedeysay Israa’iil in ay ku guuldareysatay fulinta ballanqaadyadeeda, oo ay ka mid yihiin oggolaanshaha gelitaanka teendhooyin iyo hoy, iyo sidoo kale jebinta qodobbada xabbad-joojinta.
Israa’iil, oo taageero ka helaysa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa iyaduna ku hanjabtay in ay dib u billaabi doonto howlgalladeeda militari haddii aan la sii deynin maxaabiista.
Ma jirin wax jawaab ah oo degdeg ah oo ka soo baxay Israa’iil kadib warka Xamas, hase yeeshee tallaabadan ayaa u muuqata mid oggolaanaysa in xabbad-joojintu sii socoto waqtigan xaadirka ah, inkastoo mustaqbalka heshiiska nabadeed uu weli mugdi ku jiro.
Xamas ayaa sheegtay in wafdigeedu wadahadallo la yeeshay mas’uuliyiinta Masar ee Qaahira, isla markaana ay xiriir la sameeyeen Ra’iisul Wasaaraha Qatar si loo keeno Gaza teendhooyin dheeraad ah, sahay caafimaad, shidaal iyo qalab culus oo lagu nadiifiyo burburka — arrintaas oo ahayd dalabkooda ugu weyn maalmihii la soo dhaafay.