Himilo – Cagliari ayaa Nicolò Barella ka iibisay Inter, sidaasi darteed haatan waxay wadahadalo la leedahay Boca Juniors oo ay ka doonayso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Nahitan Nandez .
Barella ayaa dhameystiray ku biiristiisa kooxdiisa cusub jimcihii lacag dhan € 50m isagoo u saxiixay qandaraas laba sanno ah.
Kooxda Sardinians -ka ayaa u baahan beddelkiisa, wargayska Sky Sport Italia ayaa soo warinaya inay wadahadal la galayaan Boca Juniors oo ay ka doonayaan xiddigooda Nandez.
Nandez wuxuu horay ugu dhawaaday in uu ku biiro Cagliari bishii Janaayo, markii Barella u muuqaday inuu ku sii jeedo Napoli.
23 jirkan heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa qandaraaskiisa uu kula jiro Boca ku eg illaa June 2020-ka.
Dhanka kale, Sport italia ayaa soo jeedinaya in Cagliari ay qarka u saaran tahay saxiixa xiddiga Croatia iyo kooxda Napoli Marko Rog.
Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Rog uu ku biiri doono Eintracht Frankfurt.