Muqdisho – Ramon Calderon ayaa sheegaya in Real Madrid aysan xagaagan u baahneyn saxiixyo marka uu furmo suuqa xorta ee kala iibsiga ciyaartoyda.
Madrid oo kaabiga ku heysa hanashada koobkeedii 33aad, madaxweynihii hore Bernabeu wuxuu garab istaagay xulka uu diyaarsaday macalin Zinedine Zidane – isaga oo ku tilmaamay kuwo sanadaha soo socda hanan kara goolo badan.
“Waxay ila tahay inaan leennahay naadiga xoog badan,” ayuu u sheegay Goal. “Mafilayo inaan u baahannahay ciyaaryahan. Xulka hore iyo kaaliyaashooda baddalka u ah aaya ku filan inay naadiga gaarsiiyaan guulo muuqda.”
Hayeeshe, tiiyoo uu aad ugu adkeystay inaysan Madrid u baahneyn laacibiinta lala saxiixdo hadda, hadana wuxuusan hubaal u qaadan haddii ay ku guuleysan karaan koobka UCL oo finalkiisa ay la balan san yihiin Juventus 3-da bisha soo socta.
“Caqabaddani waxay Madrid u sahli doontaa noqoshada kooxdii koobaad ee laba wareeg oo is xiga ku guuleysata koobka Champion League,” ayuu yir.
“Ciyaartu way adkaan doontaa, Juve waa naadi daafac adag. Mana ahan kooxaha la dhayalsado ee Talyaaniga ku jira.”
“Gool-hayahooda Buffon waa mid kamid ah laacibiinta ugu fiican dunida. Sidaas darteed, natiijadu waa mid aan la saadaalin karin.”
“Waxay heystaan saddex laacib oo kala ah Paulo Dybala, Gonzalo Higuain iyo Mario Mandzukic oo heer sare ku dheela.”
Madrid ayaa ku guuleysan doonta koobka La Liga Spain haddii ay hal dhibic ka helaan kooxda Malaga.