Home / Arrimaha Bulshada / California oo magaalo gaar ah u dhiseysa dadka barakaca ah

California oo magaalo gaar ah u dhiseysa dadka barakaca ah

Himilo- Koox u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dadka ayaa ku dhawaaqday qorshe magaaalo loogu dhisayo dadka barakaca ah ee ku nool gobalka California ee dalka Mareykanka. 

Kooxda  Citizens Again ayaa sheegtay in mashruuca cusub uu meesha ka saarayo dhibaatada dadka hoy la’aanta ah ee gobalka.

Sida lagu xusay warbixin uu daabacay wargeyska Daily Mail, magaalada u gaarka ah dadka barakaca ah ayaa loo sameyn doonaa isbitaalo, maqaayado iyo goobo laga shaaheeyo.

Waxaa magaalada laga dhisi doonaa wadooyinka dhulka hoostiisa ah si culeyska looga yareeyo dadka muddo soo ahaa hoy la’aanta.

Dadka barakac ah ayaa loo oggol yahay inay si bilaash ku deggaan magaalada oo ay aragtideeda leedahay kooxda Citizens Again.

Ururka ka shaqeynaya mashruuca ayaa xusay in magaalada lagu dhisi doono muddo 11 sanno ah iyadoo la filayo in la furo sannadka 2031-ka.

Gobalka California ee dalka Mareykanka ayaa ka cabanaya dhibaato barakaca dadka oo joogta noqotay. Waxaa horay u dhaleeceeyay madax badan oo uu ku jiro madaxweyne Donald Trump.

Dadka hoy la’aanta ah ee ku nool gobalka ayaa lagu qiyaasaa 150,000 qofood.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan