Home / Arrimaha Bulshada / Cambodia: Macaamiisha hilibka jiirka ee la shiilo oo sii kordhaysa

Cambodia: Macaamiisha hilibka jiirka ee la shiilo oo sii kordhaysa

Himilo – Meel ku dhaw magaalada Krong Battambang ee dalka Combodia ayaa lagu shiilaa kumanaan jiir ah maalin kasta si ay cunto uga dhigtaan dadka saboolka ah ee ku nool magaalada.

Kahor muddo 10 sanno ah, Malaise ayaa wadada dhinaceeda ka furatay maqaayad yar oo lagu iibiyo dhowr kiilo oo hilibka dooliga ama jiirka ah balse maanta waxay iibisaa 20 kiilo oo ay qaataan macaamiisheeda.

Mararka qaar, marka ay jiraan dabaal degyo sida bisha April, waxay iibisaaa inka badan 60 kiilo oo ah hilibka jiirka ee la shiilay.

Malaise ayaa u sheegtay warbaahinta in hilibka jiirka uu ka wanaagsan yahay diggaaga marka la fiiriyo faa’iidooyinka caafimaad ee laga helayo.

Jiirka ayaa loo iibinayaa sida hadba uu culeyskiisa yahay, dadka qaar ayaa iibsada qeybo yar yar oo ku kacaya 0.25 iyo 1.25 doolar.

Dhanka kale, dad badan ayaa ka shaqeysta ugaarsiga jiirka iyaga oo ka raadiya quudkooda maalinlaha.

“Marka uu nasiibka I taageero, waxaan soo ugaarsadaa jiir culeyskiisa uu dhan yahay 5 kiilo, oo ku fadhisa 5 illaa 17.5 doolar,” ayuu yiri mid kamid ugaarsata jiirka.

Dadka saboolka ayaa ah macaamiisha ugu badan ee qaata hilibka jiirka la shiilay ee lagu sameeyo magaalada Krong Battambang ee Combodia.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan