Home / Habka-Nolosha / Cantona oo farriin-qoraaleedkii Conte ee Costa ku jeesjeesaya

Cantona oo farriin-qoraaleedkii Conte ee Costa ku jeesjeesaya

Muqdisho – Go’aanka macalin Antonio Conte uu Diego Costa ugu sheegay farriin-qoraaleed ahaan inuu iskaga tegi karo naadiga, waxaa ku jeejeesay Eric Cantona.

Iyada oo uu Chelsea ka caawiyay ku guuleysiga horyaalka PL, xiddiga xulka Qaranka Spain wuxuu ku dhacay mid ka dheer tix-gelintii uu sugayay.

Farriinta waxaa loogu diray moobil, macalin Conte ayaana weji-ka-weji u qaabilin go’aanka uu ka qabay Costa.

Legendka Manchester United,  Cantona ayaa yiri: “Qoraal dhiifaysan ilama ahan fikrad fiican, in lagu kala go’ farriin qoraaleedna way kasii xun tahay.”

Costa ayaa lala xiriirinayay Atletico Madrid dhawaanahan taas oo uu kasoo tagay sanadkii 2014-ka. Waxaa kale oo jiray baaq kasoo dhacaya horyaalka Shiinaha.

Wuxuu iskaga tegi doonaa Chelsea isaga oo 59 gool ugu dhaliyay 120 kulan, wuxuuna la qaaday laba koob oo horyaalka PL ah iyo hal League Cup.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan