Home / Habka-Nolosha / Capello: “Pepe wuxuu imaanaya PSG 100%.”

Capello: “Pepe wuxuu imaanaya PSG 100%.”

Muqdisho – Fabio Capello ayaa sheeganaya in Pepe uu kasoo wareegay Real Madrid una soo dhamaaday Paris Saint-Germain. Waxayna kaliya u baahan tahay in lagu dhawaaqo.

Macalin reer Italy, kaas oo shaqo aan qaban taniyo markii uu iska tiriyay xilka macalinnimo ee xulka Qaran Ruushka sanadkii 2015, ayaa u sheegay Sky Sport Italia in labada dhinac ay wada gaareen heshiis dhameystiran taas oo dhawaan suura-galin doona in daafaca xulka Qaranka Portugal uu usoo wareego PSG.

“Pepe inuu imaanayo PSG waa 100%,” ayuu yiri Capello. “Labada dhinacba waxay kulmeen hoteel ku yaalla Cardiff.”

Pepe kaas oo doortay inuu iskaga tago heshiis hal sano ah oo ay ugu yeertay Madrid xilli uu rabay in laba sano laga dhigo waxaa si weyn loola xiriirinayay kooxda Paris – in kasta oo ay jiraan kooxo dhowr ah oo PL ka dhigan kuwaas oo doonaya inay la saxiixdaan xagaaga soo aadan.

34-jirkan ayaa waqti guuleysan kusoo qaatay gegida Bernabeu, halkaas oo koobab badan uu kula guuleystay.

Wuxuu Madrid kaga tagi doonaa si xor ah maadaama heshiiskiisu ku eg yahay dhamaadka June.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan