Home / Cayaaro / Cardiff City oo u dhaqaaqday laacib ka tirsan kooxda Liverpool

Cardiff City oo u dhaqaaqday laacib ka tirsan kooxda Liverpool

Himilo FM –  Cardiff City ayaa lagu soo waramayaa inay ku guuleysatay tartanka loogu jiro saxiixa daafaca Liverpool Nathaniel Clyne.

Clyne, oo 27 sanno jir ah, ayaa ahaa dooqa koowaad ee daafaca midig ee kooxda Liverpool intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2017, laakiin waxa uu Reds u saftay keliya todobo kulan oo Premier League ah tan iyo bilowga xilli ciyaareedkii hore.

Daafacaan ayaa la filayaa in uu Anfield kaga tago si amaah ah inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, sida laga soo xigtay The Mirror, Cardiff ayaa kalsooni ku qabta inay la saxiixato xiddiga reer England.

Fulham iyo Leicester City ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay xiiseynayaan Clyne, kaasi oo la soo shaqeeyay tababaraha Cardiff  Neil Warnock xilligii uu ka tirsnaa Crystal Palace.

Heshiiska Clyne ee Liverpool ayaa dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka soo socda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan