Himilo- Magacaabista Carlo Ancelotti ee loo magacaabay macalinka cusub ee Everton ayaa ah inuu aqbalay heshiis afar sano iyo bar ah kaasoo socon doona ilaa xagaaga 2024 oo uu la qaadan doono kooxda Merseyside.
60 jirka reer talyaani ayaa koobab waa weyn ku soo qaatay wadamaday, England, France, Spain iyo Germany waana mid ka mid ah sedexda maamule ee ku guuleystay Champions League sedex jeer.
Wuxuu kula guuleystay labo jeer AC Milan iyo hal jeer Real Madrid wuxuuna kula biiray Bob Paisley, kaasoo seddex jeer ku la qaaday Liverpool, iyo Zinedine Zidane oo Real Madrid la hantiyay
Ancelotti ayaa laga ceyriyay Napoli 10kii Decembar kaliya saacado ka dib markii uu ku hogaamiyay wareega 16ka Champions League.
Shaqadiisa kaliya ee hore England, Ancelotti wuxuu kula guuleystay Premier League iyo FA Cup Chelsea 2010kii.
Chelsea ayaa ku dhameysatay xilli ciyaareedkiisii labaad isagoo hogaaminaya Premier League kaalinta labaad kana danbeeyay Manchester United ka hor inta aan la ceyrin.
Ancelotti ayaa waxaa London keenay milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ka dib sideed xilli ciyaareed oo uu joogay AC Milan, oo uu labo jeer kula guuleystay Champions League, 2003 iyo 2007, iyo sidoo kale horyaalnimadii Serie A ee 2004.
Wuxuu 16 sanno oo uu xirfadiisa ciyaareed kusoo qaatay Parma, Roma iyo AC Milan, xilligaas oo uu xiddigii hore qadka dhexe u saftay xulkiisa 26 kulan.
Ancelotti ayaa ku guuleystay horyaalnimada Serie A 1983 iyo Coppa Italia afar jeer isagoo ciyaartoy ah kooxda Roma, laakiin waxa uu seegay guuldaradoodii finalka European Cup ee ay ka soo gaartay Liverpool rigoorayaal 1984 isagoo dhaawac soo gaadhay.
Wuxuu u dhaqaaqay AC Milan wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaray kooxdii weyneyd ee Arrigo Sacchi ee ku guuleysatay Serie A 1988 iyo Koobab Yurub oo isku xiga 1989 iyo 1990.