Home / Habka-Nolosha / Carlos Kameni Oo Noqday Boortaha Ugu Badan Ee Barcelona Ka Ilaashada Shabaqiisa.

Carlos Kameni Oo Noqday Boortaha Ugu Badan Ee Barcelona Ka Ilaashada Shabaqiisa.

Carlos Kameni oo ah Goolhayaha kooxda Malaga ayaa ku talaabsaday rikoor u gaar ah oo aan u wanaagsaneyn Barcelona, maadaama uu noqday goolhayaha ugu badan ee gool ka ilaaliya kooxda Barcelona wuxuuna rikoorkaan kaga adkaaday gool hayahii hore Real Madrid kabtan Iker Casillas.

barcelona1-370x249

Kameni 7-kulan ayuu gooshiisa ka difaacday ciyaartooyda Barcelona, isagoo fursadaha dahabiga ah ee ciyaarta ka badbaadiyay Lionel Messi,   Andreas Iniesta Iyo Neymar, guud ahaan kulamada uu ilaashaday gooshiisa.

Goolhayahaan ayaa 3-jeer shabaqiisa ka ilaashaday isagoo ku sugan Malaga, halka uu 4-jeer shabaqiisa ka ilaashaday isagoo xiran maaliyadda kooxdiisii hore ee Espanyol.

Waxa uu sidaas oo kale afar jeer uu shabaqiisa uga ilaashaday gurigooda ay caanka ku tahay Barcelona ee Camp Nou, kaliya goolkii uu ka dhaliyay Thomas Vermaelen xagaagii hore ayaa ka beeniyay rikoor uu ka heysan lahaa dhamaan kulamada  Barcelona

Kabtan kii hore ee Real Madrid Iker Casillas ayaa noqday goolhayaha labaad ee gooshiisa ka ilaashada Barcelona 6-jeer ayuu ilaashaday kulamada ay iska hor yimaadaan real Madrid iyo Barcelona ee El-Clasico isagoo wajahay 37-jeer, waxeyna lamicno tahay inuu 31-kulan shabaqiisa difaacan waayay.

Sadex kamid ah kulamadaas wuxuu shabaqiisa ku ilaashaday Camp Nou, waxaana booska sadexaad soo galay Gorka Iraizoz oo shabaqiisa ka ilaashaday Barca 5-kulan sidaas oo kale waxaa 4 afar kulan ilaashaday gool yahye Courtois.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan