Himilo FM – Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku dhawaaqay in Michael Carrick uu baaqi kusii ahaanayo shaqaalaha tababarka kooxda Manchester United xilli ciyaareedka soo aadan.
Michael Carrick, Kieran McKenna iyo Mark Dempsey ayaa sii joogi doona kooxda Man Utd sida uu xaqiijiyay tababare Ole Gunnar Solskjaer.
Xiddigii hore xulka qaranka Engalnd ee Carrick oo 37 jir ah ayaa horey ula soo shaqeeyay Jose Mourinho kaddib markii uu soo gabagabeeyay xirfadda ciyaaraha dhammaadka xilli ciyaareedkii 2017-18, isaga oo kooxda u saftay 464 kulan.