Home / Arrimaha Bulshada / Carruurteenna – Kheyraad u baahan Barbaarin Aasaasi ah.

Carruurteenna – Kheyraad u baahan Barbaarin Aasaasi ah.

Muqdisho – Deeqaha ugu weyn ee Ilaahay addoomadiisa ku galado waxaa kamid ah ubadka. Ubaxa ifiya aqalka una ah fure reyreynta guryaha waa ilmaha. U  nuglaantooda iyo  kahor marinta baahida aasaasiga kuu ah tooda waa ramashada Ilaahay ku beeray dubaaqa waalidka.

Dareenka bara hooyada ama aabaha inuu dhabta ama dhabarka saarto ilmihiisa waa laxawsiga ugu weyn ee laga barto marka qofku ama sanku-neefluhu cadkiisu uu cad kasoo go’o oo uu noqdo beer wax dhalay.

Inaad aragto hooyo saarsan ama xanbaarsatay ilmaheeda; waxay ka dhigan tahay inay weysay meel kale oo ay ku aaminto oo aan ka aheyn inay ku nabto hilibkeeda; taas oo muujisa ramashada iyo kalgacalka xad dhaafka leh ee Ilaahay isku galiyay qalbiga waalidiinta iyo ilmahooda.

Hooyadu waxay amni iyo farxad ku dareentaa markay saarsato ilmaheeda; ilmahuna waxay sarreynta iyo koolkoolinta ku bartaan dusha waalidkooda. Sidaas darteed, in la suuraysto waxa saarsiga ilmuhu ugu fadhiyo beer wax dhalay, way adag tahay.

Dhab ahaan, Ilmuhu maysan barteen inay dhulka ku ababaan, haddaysan hooyadu baran laheyn inay dusheeda ku ababiso. Taasi waa marka loo eego aragtida ah in ilmuhu ku kobcaan koolkoolis iyo karaameyn. Balse si walba oo ay tahay, majirto wax lagu qiyaasi karo qiimaha korriimo ama abab ee hooyada ilmaheeda kusoo koriso.

Korriimada carruurtu waxaa laga yaabaa inay ku timaado micno kaliya, hayeeshe ma ahan marin kaliya. Dhaqanka ay carruurtu lasoo dhex galaan bulshadooda, wuxuu laba un noqdaa mid. In waalidku carruurtiisa uu caloosha un ka quudiyay oo ay jir ahaan soo weynaadeen; ama in caqliga iyo calooshaba uu waalidku carruurtiisa ka quudiyay oo maskax ahaan iyo jir ahaanba u diyaarsan yihiin qaabilista mas’uuliyadda nololeed ee kaga bilaabanaysa qaan-gaarnimada.

Kolka carruur jir ahaan weynaatay ay kusoo bataan bulshada, micnaheedu waxay tahay waxaa halis ku jira dhaqanka iyo mabaadii’da lama taabtaan ka ah ee ay rumeysan tahay. Layaabna malahan inaad aragto ereyada ku yimaada natiijada ay kala yimaadaan tarbiyad-yaraanta reerahooda sida Ciyaal-suuq, Dhoocil, Dhoorre, Foodleey iyo wixii lamid ah. Saameynta ay ku dhex yeelan karaan bulshada inteeda kalana ma ahan mid la dhayalsan karo.

Sidaas awgeed, in waalidku marka horaba uu ogaado soo saarista ubad aan kaliya ku caqliyaysan caloosha ee sidoo kale ku socda garashada habboon ee mas’uuliyadda nololeed waxay bulshadeenna u tahay dheef anfacaysa adduun iyo aakhiro.

Marka laga shidaal-qaato faca hore ee jiilka maanta oo aflagaadada iyo caayda ka dhigta hubka ay isku adeegsadaan – iyada oo taas baddalkeeda aysan jirin ereyo kale oo dabacsan akhlaaq ahaan, waxay jab ku tahay bulshadeenna. Haddii labadii qof ee da’yarta ku jirta ee doonaya inay is aflagaadeeyaan ay turxaanta iyo ceebta ku celiyaan labadii waalid ee dhalay – in kasta oo caaydu aysan mar kastaba ku banaaneyn meel kamid ah diinteenna, waxay burbur musiibo oo soo socda ku tahay bulshadeenna.

Waloow aan tiro ahaan ku socno koror muuqda oo haweeneyda Soomaaliyeed ay tahay dumarka ugu taranta badan haween weynaha dunida, hadana waxaa lama huraan ah in lagu xoojiyo tarbiyad iyo dhaqan suuban oo ku daaban diinteenna. Waxa lagu farxi karo ayaa ah in carruurteenna lagu soo barbaariyo diin jaceylka, hadana waa tallaabta xigta waxa ka dhiga kuwo muta amaanta ama canbaareynta bulshada ay la nool yihiin. Waana mid mar kasta dib ugu laabanaysa kaalinta waalidka.

Si kastaba, miyaynan habbooneyn inaad dib u eegno heerka tayo ee barbaarinta ubadkeenna si aan u hubsanno mustaqbal iftiin badan oo ay ku hirtaan.

Reeraha miyiga ku nool ayaa mid kamid ah ayaa waxaa la yiri mar kasta oo carruurtoodu wax halleeyaan, waxay ku yiraahdaan; Waraabe haku qaadee – maxaad sidan u sameysay. Waraabihii oo muska aqalka ka dhageysanaya habaarka waalidkana wuxuu yiraahdaa; “Aniga iyo ilmahan la ila rabo, halkeen iska heli la’nahay?!”

Dhaqanka suuban ee aan raadinayno iyo carruurteenna waxaa awooda inay is tusaan waalidiinta. Waana inay iyagu lafahooda ka bilaabaan akhlaaqda toosan ee hab-la-dhaqanka bulshada.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Isha: radiohimilo.so

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan