Home / Caruurta / Caruurta ay dhaleen hooyooyinka shaqeeya oo daraasad ay muujisay in ay uga fiican yihiin caruurta hooyooyinka kale dhinacyo badan.

Caruurta ay dhaleen hooyooyinka shaqeeya oo daraasad ay muujisay in ay uga fiican yihiin caruurta hooyooyinka kale dhinacyo badan.

Daraasad ay si wadajir ah u sameeyeen jaamacadaha Oxford iyo London School of Economics ayaa daaha ka qaaday in caruurta waalidiintooda ay shaqeeyaan  labadoodaba ay meelo badan uga fiican yihiin caruurta kale ee waalidkooda aysan shaqeyn gaar ahaan hooyada .

Daraasadu waxa ay muujisay in caruurta hooyooyinkooda aysan shaqeyn in ay ku yar yihiin awoodaha islamarkaana si aan wanaagsaneyn ay u wajahaan bulshadda iyo shaqooyinka maalinlaha oo ay qabtaan.

Laurence Roope oo daraasadan wax ka qoray kana tirsan jaamacadda Oxford ayaa sheegay in caruurta waalidkooda uu ka maqan yahay maalintii oo dhan ay ka wanaagsan yihiin bulsho ahaan iyo wax qabadba caruurta kale ee waalidkooda gaar ahaan hooyada aysan shaqeyn oo ay la joogto maalintii oo dhan.

Dr David Carey oo ku taqasusay cilmiga nafsiga caruurta ayaa sheegay in daraasadan ay wax badan iftiimisay oo ay tahay buu yiri in lagu baraarugo.

Daraasadan waxa ay noqonaysaa tii ugu horeysay ee ka dhawaajisa in caruurta hooyooyinkooda ay shaqeeyaan in ay ka wanaagsan yihiin kana horumar fiican yihiin kuwa kale ee waalidkooda ay la joogaan waqtiga ugu badan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan