Home / Habka-Nolosha / Carvajal: “Waan ka fiicnayn Barca iyo Man United.”

Carvajal: “Waan ka fiicnayn Barca iyo Man United.”

Muqdisho – Dani Carvajal ayaa dareensan in Real Madrid ay u qalmeen guushii xalay ay ka gaareen kooxda Barcelona.

Madrid ayaa 2-0 lugtii labaad ee koobka Supercopa de Espana kaga adkaatay Barcelona. Marco Asensio and Karim Benzema ayaa ka caawiyay guushii xalay oo ka dhigan 5-1 celcelis ah inay kaga adkaatay kooxda Catalian-ka.

“Hadafkeennu wuxuu ahaa in labada  Supercopas ku guulaysanno, waana aynu ka fiicnayn kooxaha Barcelona iyo Man United,” Carvajal ayaa u sheegay wariyaasha.

Tani waxay sii durjinaysaa bilowga fiican ee bilaabashada horyaalka La Liga, ayuu yiri.

Hayeeshe in kasta oo tayada fiican ku tilmaamay bandhiga naadigiisa, hadana wuxuusan saadaalin karin guulaha ay xagaagan gaari karto kooxdiisa.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan