Carwada Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho Book Fair ayaa ka furantay Magaalada Muqdisho taas oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin kala duwan oo lagu casuumay.
Carwadan oo ah tii 7aad ayaa waxaa ay ka qabsoontay Tiyaartarka Qaranka, iyada oo marti ka kala socotay 15 dal ay ka qeybgaleen.
Maxamed Diini oo madax ka ah bandhiggan ayaa sheegay in aasaaskeedii 2015kii kaddib ay baaqatay laba sano oo uu socday Xanuunka Karoonaha.
Ra’isalwasaare ku xigeena Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii khudbadaha ka jeediyay halkhaas.
Madaxda kale ee ka qeybgashay waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdul Qaadir.
Daawo.
https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/223100297128678