Himilo FM –Carwada buugaagta islaamiga ah ee dalka Indonesia ayaa soo dhaweynaysa dadka jecel kutubada sannadkii 18aad oo xiriir ah.
213 shirkadood oo wax daabaca ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan carwada lagu qabanayo magaalada Jakarta iyaga oo soo bandhigaya inka badan seddex Milyan oo buug oo looga hadlayo 4 kun oo cinwaan.
Waxaa ka qeybgalaya carwada dad ka socda dhowr dal sida Masar, Sacuudiga iyo Brunei, waxaana inta lagu guda jiro loo qabanayaa carruurta dhacdooyin u gaar ah sida wareysiyo ay la yeeshaan qorayaasha iyo guddiga carwada.
Mahmud Anies Baswedan oo ah madaxa carwada Islaamiga ah ayaa u sheegay wakaalada wararka Anadolu Agency in carwada tahay mid loo dhan yahay gobalka koonfur bari Asia taasi oo shaqadeeda gaar u tahay Islaamka.
Waxa uu intaa raaciyay in sannadkii hore carwada marti gelisay 190 kun oo qofood iyadoo sannadkan la filanayo tiro intaa ka badan.
Afifah Zakiye oo ah arday dhigata dugsiga sare ayaa tilmaamtay inay jecleysato carwada oo soo bandhigta shaqooyinka Islaamka iyadoo ka qeybgasha sannad kasta.