Himilo FM –Xiddiga Real Madrid, Casemiro ayaa shaaca ka qaaday in Los Blancos ay weli tabeyso xiddiga ugu goolasha badan ee Cristiano Ronaldo, waxaana uu sheegay inuu weli aaminsan yahay xiddiga reer Portugal in uu yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.
Ka dib markii uu ku guuleystay seddex koob oo isku xigta Champions League, Ronaldo ayaa si lama filaan ah isaga hayaamay sagaal sanno oo uu la joogay Real Madrid. Xiddiga Los Blancos ugu goolasha badan taariikhda ayaa ku biiray Juventus xagaagii lasoo dhaafay.
Tan iyo markii uu ku soo biiray Serie A, 34 sano jirkan reer Portugal ayaa si cajiib ah ugu soo dhalaalay Talyaaniga. Ronaldo ayaa weli ah mid ka mid ah gooldhaliyeyaasha ugu sarreeya horyaalka Serie A laakiin waxa uu si toos ah u soo bandhigay qaab ciyaareedkiisa ugu cajiibsan kulankii Atletico Madrid ee lugta labaad ee Champions League.
Isagoo ka hadlayay ciyaarta ka dib kulankii Brazil iyo Panama ciyaartii saaxiibtinimo ayuu Casemiro yiri: “Cristiano Ronaldo? Dabcan waan u xiisnay, waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.”
Markii la weydiiyay dareenkiisa ku aadan soo laabashada Zinedine Zidane, Casemiro ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waxaan hore u oggeyn falsafadiisa iyo qaababka shaqada, waa shaqsi kooxeed – ciyaaryahan ahaan iyo tababare ahaan, qof walba wuu ixtiraamaa, waana uu ku soo laabtay si uu u sameeyo sida ugu fiican ee macquulka ah”.