Casemiro oo Neymar kusoo dhawaynaya Real Madrid.

Muqdisho – Raacaha kooxda Real, Casemiro ayaa ugu baaqay weeraryahanka kooxda Barcelona ee Neymar in uu kula soo biiro kooxda caasimadda Spain ee Madrid.

Waayaha Neymar ee Barcelona ayuu shaki wayn soo food saaray kadib markii kooxda PSG ay laacibkan u balan-qaaday in ay ka dhigayso xiddiga ugu mashaharka badan kubadda cagata.

25 jirkan ayaa helaya dalabyo is daba joog ah oo kaga imaanaya kooxda Paris Saint-Germain, kooxda Faransiiska ayaa doonaysa in ay laacibkan ku soo xera-galiso adduun lacageed gaaraya £192 Milyan oo lacagta Ingiriiska ah una dhiganta 222 Milyan oo lacagta Yurub ah.

Difaaca Barcelona ee Gerard Pique ayaa ku xaqiijiyay inuu Neymar sii joogi doono Catalonia sawir uu soo dhigay barihiisa bulashada dhamaadkii isbuuca – isaga oo raacsiiyay – wuu sii joogayaa.

Si waliba, laacibka ay isku qaranka yihiin ee Casemiro  ayaa sheegay in uu ciyaaryahankii hore ee Santos uu kusoo dhaweynayo Bernabeu.

“Waa in uu Neymar go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Neymar ayaa laba gool u dhaliyay Barcelona kulankii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda Juventus habeenkii Axadda oo ka dhacay MetLife Stadium ee gudaha New York.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan