Home / Habka-Nolosha / Casemiro oo Neymar kusoo dhawaynaya Real Madrid.

Casemiro oo Neymar kusoo dhawaynaya Real Madrid.

Muqdisho – Raacaha kooxda Real, Casemiro ayaa ugu baaqay weeraryahanka kooxda Barcelona ee Neymar in uu kula soo biiro kooxda caasimadda Spain ee Madrid.

Waayaha Neymar ee Barcelona ayuu shaki wayn soo food saaray kadib markii kooxda PSG ay laacibkan u balan-qaaday in ay ka dhigayso xiddiga ugu mashaharka badan kubadda cagata.

25 jirkan ayaa helaya dalabyo is daba joog ah oo kaga imaanaya kooxda Paris Saint-Germain, kooxda Faransiiska ayaa doonaysa in ay laacibkan ku soo xera-galiso adduun lacageed gaaraya £192 Milyan oo lacagta Ingiriiska ah una dhiganta 222 Milyan oo lacagta Yurub ah.

Difaaca Barcelona ee Gerard Pique ayaa ku xaqiijiyay inuu Neymar sii joogi doono Catalonia sawir uu soo dhigay barihiisa bulashada dhamaadkii isbuuca – isaga oo raacsiiyay – wuu sii joogayaa.

Si waliba, laacibka ay isku qaranka yihiin ee Casemiro  ayaa sheegay in uu ciyaaryahankii hore ee Santos uu kusoo dhaweynayo Bernabeu.

“Waa in uu Neymar go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Neymar ayaa laba gool u dhaliyay Barcelona kulankii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda Juventus habeenkii Axadda oo ka dhacay MetLife Stadium ee gudaha New York.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan