Home / Habka-Nolosha / Casillas: “Juventus waa inay la saxiixataa goolhaye Donnarumma.”

Casillas: “Juventus waa inay la saxiixataa goolhaye Donnarumma.”

Muqdisho – Goolhayaha Real Madrid, legend Iker Casillas ayaa ugu baaqay kooxda Juventus inay la saxiixato goolhayaha Milan, Gianluigi Donnarumma – amaahna ku bixiyaan ilaa iyo inta Buffon uu ka fariisto ciyaaraha.

Goolhayahan aadka usoo shaac-baxay waxay ciyaaraha waaweyn soo galay xagaagii 2015-2016 – isaga oo da’da 16-jir kusoo bilowday garoomada.

Hadda waa booska koobaad ee xulka kooxda San Siro, isaga oo 72 kulan saftay taniyo markaas, hayeeshe waxaa muddooyinba su’aalo la geliyay mustaqbalkiisa kadib muran ka dhashay heshiiskiisa.

Casillas ayaa rumeysan in kooxda heysata horyaalnimada  Serie A ay dardar geliso sida ay kusoo xero-gelin karto heshiiska laacibkan.

Ku guuleystaha koobka adduunka oo hadda ku sugan Porto ayaa u sheegay Gazzetta dello Sport: “Waa inay la saxiixdaan Donnarumma oo ay amaah ku bixiyaan sanad iyo laba sano ilaa iyo inta Buffon uu ka fariisanayo ciyaaraha.”

“Haddii aan ku sharadtamayo goolhaye da’yar isaga ayuu noqon lahaa. Majiro qof asaagii ah oo ku sugan Yurub kaas oo tayadiisa oo kale heysta.”

“Waxaa wali u dhiman inuu qaan-gaaro. Hayeeshe wuxuuse yeeshay tayo dhameystiran.”

Casillas ayaa sidoo kale qirtay inuu Buffon iyo Donnarumma kula biiri karo horyaalka Talyaaniga kadib marka uu idleysto heshiiska labada sano oo uu ku joogo Portugal.

“Inta iga quseysa aniga ahaan, Seri A waa xulasho fiican. Waxaa ku sugan kooxo waaweyn. Kubadduna waa muhiim. Waana jeclahay dalkan.”

“Hadda waxaan joogaa Portugal. Hayeeshe waan jeclaan lahaa inaan imaado Talyaaniga.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan