Home / Habka-Nolosha / Cassano: “Donnarumma ma diidi karo dalab uga yimaada Madrid.”

Cassano: “Donnarumma ma diidi karo dalab uga yimaada Madrid.”

Muqdisho – Goolhayaha AC Milan, Gianluigi Donnarumma maya kuma dhihi karo kooxda Real Madrid haddii ay doonto inay la saxiixato, marka loo eego Antonio Cassano.

Real ayaa kamid ah kooxaha lagu soo waramayo inay xiisaynayaan laacibka, kadib markii uu iska diiday inuu kordhiyo heshiiska uu naadiga kula jiro, kooxda Seri A ayaana sheeganaysa inay adduun dhan €50 million siinayaan shanta sano ee soo aadan.

18-jirkan ayaa taageerayaashu kusoo tuureen lacag faalso ah xilli uu ciyaarayay kulan ay Denmark la yeesheen.

Cassano oo Milan iyo Madrid usoo wada ciyaaray ayaa ku dardaamay in mustaqbalka goolhayahan uusna noqon mid laablakac ku dhisma.

“Haddii aan isaga ahaan lahaa, waxaan joogi lahaa Milan sanado badan,” ayuu Cassano ka yiri laacibkan sidoo kale lala xiriirinayo Juventus iyo Man United mar uu la hadlayay Sky Italia.

“Way u wanaagsanaan lahayd xulka iyo ciyaaraha Talyaaniga joogistiisu, hayeeshe haddii ay Real Madrid timaado, ma oran kartid maya!”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan