Home / Habka-Nolosha / Cavani oo adduun lacageed ku diiday inuu gool-ku-laadyada ku wareejiyo Neymar

Cavani oo adduun lacageed ku diiday inuu gool-ku-laadyada ku wareejiyo Neymar

Muqdisho – Cavani ayaa iska diiday inuu adduun lacageed dhan €1 million iskaga dhaafo tuurashada gool-kulaadyada rigoorayaasha ah una daayo Neymar, marka loo eego El Pais.

Laacibka Uruguay ayaa heli kara adduun lacageed marka uu ku guuleysto gooldhaliyaha kooobaad ee xagaaga, hayeeshe madaxweynaha kooxda PSG, Nasser Al-Khelaifi ayaa lagu soo warramay inuu diyaar la yahay adduunkaas inuu siiyo – haddii uu ku dhamaysto heerkaas iyo haddii kalaba. Waase marka uu shaqada gool-kulaadka rigoorada uu u daayo laacibka qaranka Brazil.

Al-Khelaifi waxaa sidoo kale la werinayaa in wakiillo u diray Neymar si uu xasaradda u dejiyo isaga oo ka rajeeyey in laacibku uu sumcad arrintan kaga raadsato naadiga una ogolaado Cavani tuurashada rigoorooyinka.

Si kastaba, laacibkii hore ee Barcelona ayaysan tani u cuntamin wali.

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan