Himilo –Daafaca kooxda Chelsea Cesar Azpilicueta ayaa lagu soo waramayaa inuu u muuqdo mid bartilmaameed u ah laba koox oo ka ciyaara La Liga.
Inkastoo uu 342 kulan u saftay Blues intii lagu jiray mudada guulaha intii uu joogay Stamford Bridge, Azpilicueta ayaa ku dhibtooday qaab ciyaareedkiisa isbuucyada furitaanka ololaha cusub ee Premier League.
Iyadoo 30 jirka uu weli ku jiro line-upka, tababare Frank Lampard ayaa la rajeynayaa inuu fursad siiyo da’yarka Reece James marka uu ka soo kabsado dhaawac anqawga ah.
Sida laga soo xigtay The Sun, horumarkaas suurta galka ah ayaa horseeday in Athletic Bilbao iyo Real Sociedad ay u aqoonsadaan daafaca dambe mid macquul ah u dhaqaaqidiisa.
Azpilicueta ayaa awooda inuu matalo Bilbao isagoo ku dhashay gobolka Basque, halka Sociedad ay awoodi karto inay siiso kubad joogta ah oo heerka koowaad ah.
Xiddiga reer Spain ayaa keliya seddex sanno uga harsan tahay qandaraaskiisa kooxda ka dhisan Premier League.