Himilo –Cesc Fabregas ayaa shaaca ka qaaday inuu iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa Real Madrid dhowr jeer intii uu joogay Arsenal.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Fabregas ayaa ku biiray akadeemiga kooxda Arsenal 2003-kii markii uu ahaa 16 jir isagoo u saftay markiisii ugu horreysay ee kooxda dabayaaqadii sanadkaasi.
Fabregas wuxuu sii watay in ka badan 300 oo kulan oo uu u ciyaaray kooxda Gunners oo uu kooxda ka caawiyay inay ku guuleysato FA Cup isla markaana ay gaarto finalka Champions League 2006-dii.
Ugu dambeyntiina wuxuu ka tagay Arsenal 2011 si uu ugu biiro Barcelona laakiin wuxuu sheegay inuu iska diiday fursado badan oo uu kula saxiixan lahaa Real Madrid markii uu joogay waqooyiga London.
Isagoo la hadlayey barta Isbaanishka ee AS, Fabregas wuxuu yiri: “Real Madrid waxay ii yeeri jireen wax kabadan hal jeer ama labo jeer.”
“Wenger waxa uu igu qabay kalsooni weyn, ma bixi karin wax walba oo ay noqoto, waxaan had iyo jeer u mahadnaqayaa Madrid sida ay iila dhaqmeen.”
Markii aan jiray 23 sanno waxaa iisoo gaaray dhaawac halis ah oo kubka ah waxay ii soo direen farriin aad u fiican.
Fabregas ayaa ka tegey Premier League markii labaad horraantii sannadkan si uu ugu biiro kooxda reer France ee Monaco.