Home / Habka-Nolosha / Chelsea iyo Atletico oo aan wali meel isla dhigin heshiiska Costa.

Chelsea iyo Atletico oo aan wali meel isla dhigin heshiiska Costa.

Muqdisho – Atletico Madrid waxay u muuqataa inay sugayso saacadaha ugu danbeeya ee suuqa si ay u hanato saxiixa laacibka Diego Costa xilli ay ku fashilantay inay bixiso adduunka uu kaga hayaami karo naadiga Chelsea.

Kooxda Stamford Bridge ayaa laacibkan ku doonaysa inay kusii dayso £40 million.

Kooxda Los Rojiblancos  ayaa ku niyad-weyn inay la saxiixan karto xiddiga xagaagii hore ku guuleystay gool-dhalinta horyaalka EPL.

Costa ayaa ku sugan Brazil taniyo markii ay kooxdu 2-1 guul-darro ah ku lumisay dhanka Arsenal FA Cup final. Mana hayo wax howl ah.

Diego Simeone ayaa bartilmaameedsanayay laacibkan muddo sanad ka badan.

Costa ayaa sidoo kale dalab ku kacaya 76$ ka helay kooxda Tianjin Quanjian ee dalka Shiinaha.

Everton, Monaco and Marseille ayaa sidoo kale muujiyay xiisaha ay u qabaan xiddigan 28-jirka ah.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan