Muqdisho – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayer Leverkusen, Atakan Akkaynak ayaa lagu soo warramayaa inuu diiradda u saaran yahay kooxaha Chelsea iyo Barcelona kuwaas oo ka kala dhisan waddamada Spain iyo England.
Sida laga soo xigtay The Express, labada kooxood ee Blues iyo Barcelona ayaa doonaya inay Akkaynak ku daraan ciyaartoydooda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Kooxha waaweyn ee Yurub ayaa diiradda saaraya ciyaartoyda tayada leh ee kasoo baxaya kooxaha dhexe iyo hoose ee horyaallada, waxaana laga yaabaa in kooxo kale ay kusoo biiraan tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka, laakiin labadan kooxood ayaa heysta lacag ay ku heli karaan xiddigan mustaqbal doonka ah.
Leverkusen ayaa qudheeda ku dagaallameysa in ay ceshato da’yarkeeda Akkaynak, waxayna ku faaneysaa inay weli haysto laba sano oo ka hartay qandaraaska uu kula jiro laacibkan.
Labadaan dhinac ee ku loolamaya saxiixa laacibkan hana-qaadka ayaa ah kooxo si weyn uga dhex muuqday suuqii kala iibsiga ee xirmay, Barcelona ayaa lumisay saxiixii ugu qaalisanaa dunida ee Neymar oo ay ka iibisay PSG halka Blues ay qudheedu iibisay Matic oo u guuray Manchester United waana labada kooxood ee la kulmay dhaleeceynta ugu badan ee suuqaas marka loo eego qaabka ay ugu baxsadeen laacibiitii muhiimka ka ahaa safafkooda.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.