Muqdisho – Kooxda horyaalka difaacaneysa ee Chelsea ayaa soo dhwen doonta kooxda Brighton ciyaar ka dhici doonta Stamford Bridge.
Blues waxa ay 3 dhibcood ka hooseysaa naadiga ku jirta kaalinta labaad ee horyalka waxeyna leedahay 39 dhibcood isla markaasna waxey afar ka sarreysaa kooxda kaalinta afaraad ee Liverpool.
Ciyaaryahanka ugu goolasha badan Chelsea ee Alvaro Morata ayaa dhameystiray ganaax hal kulan ah, waxaana lagu wadaa inuu ku laabto booqashada Brighton.
David Luiz ayaa weli dhaawac ku maqan, halka ciyaaryahanka khadka dhexe Charly Musonda uu ku seegayo sababo la xiriira dhibaato gumaarka ah.
Daafaca Brighton Shane Duffy ayaa mar kale diyaar ah ka dib markii uu hal kulan ganaax ku maqnaa.
Weeraryahanka amaahda ah ee Izzy Brown kama hor imaan karo kooxda iska leh, halka Steve Sidwell uu wali ku maqan dhaawac dhabarka ah.
Ma ogtahay?
Brighton ayaa guuleysatay kulankii ugu horreeyey ee dhex mara labada kooxood bishii January 1933 hayeeshee waxaa laga badiyey lix haln waxa ay gashay bar-baro todobadii kulan ee ka danbeysay.
Kulankoodii ugu dambeeyay waxa uu ahaa mid dhacay bishii March 1989, markii ay 1-0 banaanka ku soo badisay Chelsea oo ka ciyaareysay horyaalka heerka labaad waxaana goolkaas looga mahad celinayaa Kevin Wilson
Brighton kaliya hal gool ayey dhalisay lixdii kulan ee ugu dambeysay.
Chelsea ayaa badisay shan kulan oo isku xiga oo ay ku ciyaareen garoonka Stamford Bridge tan iyo markii guuldarro 1-0 ah ay ka soo gaartay Manchester City 30kii September.
Saddex kamid ah shantaas guuul waxa ay kusoo gaareysay 1-0
The Blues ayaa laga badin 12keedii kulan ee ugu danbeeye kulamada Boxing Day ee Premier League (W7, D5).
Chelsea ayaa leh 39 dhibcood bartamaha xilli ciyaareedkan Premier League, taas oo 10 ka yar xilli ciyaareedkii hore markii ay halkaan oo kale joogeen waxeyna sanadkaas ku guuleysato horyaalka ah.
Brighton ayaa guuleysatay kaliya hal mar siddeeddii ulan ee ugu danbeysay (D3, L4) kaliya labo gool ayey dhalisay lixdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka.
Kooxda Seagulls ayaa dhalisay shan gool 9 kulan oo ay marti ahaayeen xilli ciyaareedkan.
Waxa ay qasaareen saddexdoodi kulan ee ugu danbeysay ee bannanka ay kusoo ciyaaraan horyaalka iyaga oo aan wax gool ah dhalin.
Pascal Gross ayaa si toos ah ugu lug leh sagaal gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan (afar gool iyo han caawinaad), wuxuuna afar ka badan ciyaaryahan mid kasta oo Brighton ah.
Brighton ayaa guul la’aan ah sided kulan horyaalka ah oo ay ciyaartay kulamada Boxing Day (D3, L5).
Waa kuma garsooraha?
Referee: Mike Dean
Assistants: Ian Hussin, Daniel Cook
Fourth official: Lee Probert
England – Premier League December 26
04:30Tottenham Hotspur ? – ? Southampton
07:00AFC Bournemouth ? – ? West Ham United
07:00Huddersfield Town ? – ? Stoke City
07:00Watford ? – ? Leicester City
07:00West Bromwich Albion ? – ? Everton.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.