Home / Habka-Nolosha / Chelsea oo £100m kula saxiixanaysa weeraryahanka Inter Milan ee Mauro Icardi.

Chelsea oo £100m kula saxiixanaysa weeraryahanka Inter Milan ee Mauro Icardi.

Muqdisho – Kooxda heysata hoyaalka Premier League ee Chelsea ayaa lagu soo warramayaa in ay isku diyaarineyso soo xera-galinta xiddiga kooxda Inter Milan  ee Mauro Icardi, iyada oo ku dooneysa lacag gaareysa £100m sida ay wararku sheegayaan.

Blues-ka ayaa qorshaheedu yahay in sanadka cusub ay Alvaro Morata, kula lamaaniso weerarkeeda Icardi, oo ay ku dooneyso lacag sarreysa,  Real Madrid ayay £70m kaga soo qaadatay Alvaro xagaagii dhamaaday.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee reer Argentina, ayaa la fahansan yahay in qandaraaskiisa lagu burburin karo £98.2m, Nerazzurri ayaana rajeyneysa in ay isku daydo is badal kahor January.

Si kastaba,  Icardi – ayaa dhaliyey 11 gool 12 kulan oo uu ciyaaray sanadkan horyaalka Talyaaniga wuxuuna xitaa damacsan yahay inuu u dhaqaao haddii uu dalab ka helo kooxda heysata koobka horyaalada Yurub ee Real Madrid.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan