Home / Cayaaro / Chelsea oo £ 22m ku doonaysa mid kamida xiddigaheeda keydka ah

Chelsea oo £ 22m ku doonaysa mid kamida xiddigaheeda keydka ah

Himilo- Chelsea ayaa 22 milyan ginni ku qiimaysay Michy Batshuayi iyada oo la soo jeedinayo in Crystal Palace ay dooneyso inay la soo saxiixato weeraryahanka bisha Janaayo.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium ayaa dhaliyay shan gool 11 kulan oo Premier League oo amaah ah xilli ciyaareedkii hore uu ku joogay Palace ka hor inta uusan ku laaban Stamford Bridge xilli ciyaareedka 2019-20.

Batshuayi ayaa ka danbeeya Tammy Abraham marka loo fiirsho safka Chelsea, inkastoo, uu ciyaaray 44 daqiiqo oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay The Express, Palace ayaa isha la raaceysa bisha Janaayo 26 jirka, inkastoo Eagles ay tahay inay bixiyaan 22 milyan ginni si ay uga dhaadhiciyaan Blues inay ka iibiso weeraryahanka dhexe.

Batshuayi, oo arki doona heshiiskiisa haatan ee Stamford Bridge oo dhacaya dhamaadka bisha June 2021, wuxuu dhaliyay gool kulankii Chelsea ay 4-1 kaga badisay Southampton Sabtidii.

Xiddigii hore ee kooxda Standard Liege ayaa sidoo kale amaah ku soo qaatay kooxaha Borussia Dortmund iyo Valencia xilli ciyaareedyadii la soo dhaafay ka dib markii uu ku dhibtooday inuu saamayn ku yeesho  kooxda lixda jeer hanatay horyaalka Ingiriiska.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan