Home / Cayaaro / Chelsea oo 5 milyan Ginni weydiinaysa kooxdii doonaysa Olivier Giroud

Chelsea oo 5 milyan Ginni weydiinaysa kooxdii doonaysa Olivier Giroud

Himilo- Kooxda Chelsea ayaa 5 milyan ginni  ka dhigtay qiimaha ay ku iibanayso weeraryahan Olivier Giroud

33 sanno jirkan ayaa ka danbeeya Tammy Abraham iyo Michy Batshuayi in uu boos joogta ah ka helo Stamford Bridge kadib magacaabistii Frank Lampard, isaga oo u saftay kaliya lix kulan xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Daily Express ayaa haatan soo warineysa in Chelsea ay diyaar u tahay inay iska iibiso weeraryahankii hore ee Arsenal, kaasoo dhaliyay seddex gool afartii kulan ee ugu dambeysay ee uu u saftay France, in ka yar 5 milyan ginni marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Giroud, oo kula guuleystay horyaalnimada Ligue 1 Montpellier dabayaaqadii 2012, ayaa waxaa isha ku haya Nice, Bordeaux, Marseille iyo Lyon oo ah kooxo ka wada dhisan  wadankiisa hooyo, halka Antonio Conte la rumeysan yahay inuu indhaha ku hayo inuu dib uluga midoobo kooxda Inter Milan.

Halka kooxda reer Canada ee Vancouver Whitecaps ay ka dhawaajiyeen qorshayaasheeda waxayna jeclaan lahaayeen inay siiyaan fursad ah inuu ka ciyaaro Major League Soccer.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan