Himilo – Chelsea ayaa qarka u saaran in ay dhammeystirto saxiixa daafaca Leicester City Ben Chilwell oo ay ku bixineyso adduun dhan £50m.
Iyada oo goor sii horreysay kooxda la wareegtay Hakim Ziyech iyo Timo Werner, Chelsea ayaa hadda dooneysa in ay safkeeda ku darto Chilwell iyo Kai Havertz.
Tababaraha kooxda Frank Lampard ayaa la soo warinayaa in uu xiiseynayo Chilwell. Sida laga soo xigtay Sky Sports News, Blues ayaa dooneysa inay xaqiijiso saxiixa 23 jirka.
Si kasta, iyada oo qandaraaska Chilwell uu dhacayo 2024-ka haddana kooxda Leicester ayaa loo badinayaa inay dalban doonto lacag badan.
Chilwell ayaa dhaliyay labo gool isaga oo caawiyay seddex kale 23 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah.
cialis without prescription Acetaminophen toxicity in mice lacking NADPH oxidase activity role of peroxynitrite formation and mitochondrial oxidant stress