Chelsea oo £50m ku bixineysa Ben Chilwell

Himilo – Chelsea ayaa qarka u saaran in ay dhammeystirto saxiixa daafaca Leicester City Ben Chilwell oo ay ku bixineyso adduun dhan £50m.

Iyada oo goor sii horreysay kooxda la wareegtay Hakim Ziyech iyo Timo Werner, Chelsea ayaa hadda dooneysa in ay safkeeda ku darto Chilwell iyo Kai Havertz.

Tababaraha kooxda Frank Lampard ayaa la soo warinayaa in uu xiiseynayo Chilwell. Sida laga soo xigtay Sky Sports News, Blues ayaa dooneysa inay xaqiijiso saxiixa 23 jirka.

Si kasta, iyada oo qandaraaska Chilwell uu dhacayo 2024-ka haddana kooxda Leicester ayaa loo badinayaa inay dalban doonto lacag badan.

Chilwell  ayaa dhaliyay labo gool isaga oo caawiyay seddex kale 23 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan