Home / Cayaaro / Chelsea oo £50m oo Gini ku dooneysa Cavani

Chelsea oo £50m oo Gini ku dooneysa Cavani


Himilo FM – Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u weecatay weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Edinson Cavani kaasi oo lagu wado in uu noqdo weeraryhanka cusub ee kooxda.

Blues ayaa la rumeysan yahay inay heysato dhowr bartilmaameed oo muhiim ah kuwaasi oo loo arko line-upkooda qeybta labaad ee xilli ciyaareedka sida Gonzalo Higuain iyo Callum Wilson oo katirsan kooxaha AC Milan iyo Bournemouth iyadoo shaki laga qabo helitaanka ciyaaryahanadaasi.

The Express ayaa ku warantay in Chelsea ay haatan dalab 50 milyan oo Ginni ah ku dooneyso Cavani.

Maurizio Sarri ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay inuu lix ama toddobo ciyaaryahan la saxiixdo bishan oo keliya isaga oo doonaya in uu dib u habeyn ku sameeyo kooxdiisa ka hor dhammaadka sannadka.

Cavani ayaa noloshiisa ciyaareed dhaliyay 336 gool 547 kulan oo u saftay kooxaha Danubio, Palermo, Napoli iyo Paris Saint-Germain, 126 ka mid ah waxa ay imaadeen 5 sanno iyo bar oo uu joogay horyaalka Ligue 1.

Chelsea ayaa haatan haysata Alvaro Morata iyo Olivier Giroud oo aan lagu qancin hab ciyaareedkooda, waxayna taasi keentay in Sarri uu u isticmaalo xiddiga khadka dhexe Eden Hazardisbuucyadii laga soo gudbay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan