Home / Habka-Nolosha / Chelsea oo adduun dhan £15M Swansea kaga doonayso laacibka Llorente.

Chelsea oo adduun dhan £15M Swansea kaga doonayso laacibka Llorente.

Muqdisho – Chelsea ayaa ku dhow saxiixa laacibka Fernando Llorente ee kooxda Swansea City oo adduun dhan £15 million lagu heli karo heshiiskiisa, sida ay fahamsan tahay Goal.

Swansea ayaa si kastaba iibin doonin laacibka Llorente ilaa ay helaan baddal ay kaga kaaftoomaan. Waxayse ku dhow yihiin saxiixa laacibka Wilfried Bony kaas oo amaah kaga maqan Blues-ka.

Llorente  ayaa ahaa bartilmaameedka Chelsea taniyo bishii January. Hayeeshe macalin Swansea, Paul Clement  ayaa diiday inuu iibiyo isaga oo doonayay in laacibkan uu udub-dhaxaad uga dhigo loolanka kooxda ay ugu jirto tiigsiga heer fiican horyaalka EPL.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa sidoo kale ku jira heshiisyada ugu dhow ee dhaqan-gal ah Chelsea kadib markii adduun dhan 35$ la isku af-gartay xilli ay si lamid ah ugu dhowdahay dhamaystirka heshiiska laacibka kooxda eicester City, Danny Drinkwater.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan