Chelsea oo adduun dhan £71m Atletico Madrid kaga doonaysa Saul

Muqdisho – Kooxda Chelsea ayaa dooneysa in ay sameyso rikoor kale oo suuqa ah isla markaana ay lasoo wereegto xiddiga kooxda Atletico Madrid, Saul Niguez ayna kusoo xera galiso £71m oo lacagta Ingiriiska ah.

Spanish-kan heerka caalami ayaa dhaliyay kaliya hal gool halka uu mid kalana caawiye ka noqday xagaagan,hayeeshe macalinka kooxda Blues-ka, Antonio Conte ayaa doonaya in uu Niguez qeyb kaga dhigo safka kooxdiisa.

Warbixinta ay qortay Don Balon ayaa lagu sheegay in tababbaraha naadiga  Atletico, Diego Simeone uusan qorsheyneyn in uu iibiyo  22-jirkan isla markaana uusan ogoleyn inuu  ka tago kooxda.

Niguez ayaa cusbooneysiiyey heshiiska uu ku joogo  garoonka Wanda Metropolitano, qandaraaskan ayaana lagu burburin karaa £134m waana mid dhibaato ku abuuri kara kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Weeraryahanka kooxda, Alvaro Morata ayaa ku yimid heshiis rikoor ah sanadkan markii uu ka yimid kooxda ay wada xifaal-tamaan Atletico ee Real Madrid, £60m ayuuna ku soo caga-dhigtay London.

Blues-ka ayaa ku dhawaad 200 milyan oo lacagta Ingiriiska ah ku qarash gareysay suuqii kala iibsiga ee soo xirmay, iyada oo la soo wareegtay bartilmaameedyo uu ka mid yahay ciyaaryahankii hore ee Monaco, Tiemoue Bakayoko oo £40m ku yimid Stamford Bridge.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan